Maxamed Cawaale Liiban ayaa ka mid ahaa halgamayaashii gobannimada Somaliya ka soo hooyey gumeysiga, wuxuuna caan ka yahay dhamaan gudaha Somaliya.Waxuuna Caan ku ahaa uuna sameeyey calanka Soomaalida 1954kii, siiyeyna micnaha qotada iyo xeesha dheer leh ee calanka Somalidu xambaarsan yahayay. Kaas oo ah:1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.2-Midabka buluugga khafiifka ah : Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.
TAARIIKHDA CALANKENAHees:Halgankii Gobannimada:Waaberi WALLE Ama CALAN JIRA OO CAAN AH BAAD AHAAN OO LAGU CAWAANASAYEEYAMA CALAL MARYO AH LA CAYN AH BAAD AHAAN OO CIIRSI WAYDAYEEYCIRKOO AAN CAAD LAHAYNOOW ALLE LA CUSKAYEEYY Halka ka Dhegayso gabaygii Cabdullahi Suldaan Timacadde uu ka tiriyey Munaasabaddii calan saarka ee 26 Juun 1960kii Calanka Soomaaliyeed waxaa markii ugu horreysay Taariikhda la saaray 12kii Oktoobar 1954tii isaga oo ka dhex babaday calamadii Talyaaniga iyo Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa.Calanka Somaliya waxaa Allifay Allah ha u Naxariistee halgame Maxamad Cawaale Liibaan
Dadka Soomalida ah waxaa lagu tilmaami jiray taariikhda in aay yihiin sinji keenadiid ah oo aan u nuglayn duudsiga shisheeye ,waxaayna iska caabiyeen gumeeystayaasha reer Yurub oo uu ugu soo horreeyey Burtuqiisku muddo qarni ka badan .Geesiyaal badan ayaa naftoodii qaaliga ahayd u huray dhiigoodiina u daadshay difaaca dalka hooyo ,hasayeeshe nasiib darro af-qoran ma lahayn taas oo keentay in halyeeyadaas magacyadoodii aan qaar badan oo kamid ah la diiwaangalin ,hasayeeshe ummaddu illoobimayso ciddii usoo halgantay camuuduna ma diimoona ciddii dhibic dhiig ah u qubtay.Marka laga hadlaayo halganka Soomaaliyeed waxaa ugu caansanaa ,halgamadii uu ugu horreeyey kii Axmad Garaad Ibraahim "Axmad Guray "oo bilowday 1528 dhammaadayna 1543.Axmad Gureey waxaa usuuro gashay in uu jabiyo aabigii boqortooyadii Xabashida uuna gacanta ku dhigo Xaruntoodii Axum Xabashidu waxaay ka fursanwayday in aay u yeerato ciidamo shisheeye oo daafaca .Halganki Axmad Guray waxaa ku xigay kii daraawiishta oo uu hogaaminayey halyeeygii Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ,waxaana daraawiishtu sutida u haysay ingiriisak muddo ka badan labaatan sano.Markii Ciidamadii badda iyo kuwii berriguba ka huleeleen darawiishta waxaa Ingiriisku goáan ku gaaray sanadkii 1919kii in uu xagga cirka ka weeraro ciidamada Daraawiishta ,qorshahaas oo ingiriisku fuliyey 21kii jannaayo 1920kii maalintaas oo aay xarumihii Sayidka ee Taleex iyo Jiidali aay soo weerareen dayuuradihii dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu ahaa DH9 .Sida taariikhdu qorayso waxaa Sayid Maxamad Cabdille Xassan ku geeriyooday degmada Iimeeyey 23dii Noofember 1921dii.Tix Kamid ah Gabayadii Guubaabaad ee SaydkaAnaa diiday dagal in aan la galo daalin ii col aheDalka malihid anigaa ku iri dooraweeynaha ehAnaa diiday nabaddiisa aan daacad noqonayneAnaa diiday Deeqdiida aay Naari dabataaleAnaa diiday maantuu laha duunyo iga hooyemarkay duusho Gaaladu anaan daabaddu qabaneKolka aay dareeraan anaan duul xammaal noqoneDiintayda anigaan ku gaadn dabakhi NaareedeAnaan labada Daarood tan hore darajo moodayneSayidku Wuxuu ka tagay Dardaarankaan:Dabin buu idiin qolayaa waydin dagayaayeDirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaanemarka hore dabkuu idinka dhigin dumar sidiisiiyeMarka xigana dabbakhaada waa idin dareensiinemarka xiga dushuu idin kararin sida dameeraha ehMarka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada ehMar haddaan Dushii Adari iyo Iimey dacal dhaafaywaxaad iga dambaysaanba waa deyrta maanta ahemaxaad igaga digataan berribuu siin lasoo degiyeDagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL oo dhidibada loo aasay 15kii May 1943 .Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaawaxaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya.
Saddex iyo Tobankaas Dhalinyaro waxaay kala ahaayeen: 1.Yaasiin Xaaji Cusmaan2.Cabdulqaadir Sakhaawuddiin3.Cusmaan Geddi Raage4.Maxamad Faarax Hilowle5.Maxamad Cusmaan6.Maxamad Xirsi Nuur7.Daahir Xaaji Cusmaan8.Xaaji Maxamad Xusseen9.Cali Xassan Maslax10.Maxamad Cabdulle Xassan11.Maxamad Cali Nuur12.Dheere Xaaji Dheere13.Khaliif Hudda macalin13 -kaas dhalinyaro fikraddii waddaninmo oo aay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed ,waxaana halgankii SYL mirihiisii la gurtay 1960kii markii 1dii Luulyo aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya aayna la midowday waqooyiga Soomaaliya oo iyana ka xorowday Ingiriiska 26dii Juun 1960kii waxaana dhalatay markii taariikhda ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya .
SANADGUURO NASIIB DARANMaantay waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiil iyo tacab beelay aay farahayaga si hawlyari ah uga baxday ,dalkii Soomaaliyana uu galay marxlad adag oo aay majaraha u hayaan taliyayaal baas oo gacmahooda dhiig iyo godobi ku dhabooqantahay kuwaa oo u hagaya soomaaliya booraantii halaaga iyo aaytiinxumida .Soomaaliya oo ku jirtay dhawr iyo toban sano fawdo iyo majarahabow ma jirto rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celinayo qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya.Hasa ahaate Somaliya sida aay u Indho la´dahay uma Alla-laá,lagamana quusan in maalin maalmaha kamid ah la arko soomaaliya oo ah dawlad madax banaan oo diimooqaraadi ah ,dawlad soo celisa midnimadii iyo wadajirkii dadka iyo dalka Soomaaliya una horseeda ummadda xasiloonaan aay dadkeedu ku naaloonayaan .
Qaranka iyo Xorriyadii la Helay waa la quursadaye Wax ku qooqay niman aan ogayn qaabka loo helayeQudhooda iyo Maalkaba raggii qiiradaw bixiyeyWaa kaa gidaarada ku quban qalin jabkoodiiye ( Waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqalloc)
Tuesday, July 31, 2007
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment