Thursday, January 3, 2008

Aadam Gurey


Aadan-Gurey Maxamed Cabdille

Aadan-Gurey Maxamed Cabdille wuxu dhashay sanadkii 1840kii, waxaana lagu male weyn yahay in uu Ximan (Galgaduud) iyo agaarka Dhuusa-mareeb ku koray. Waxa lagu tilmaamay inuu ahaa nin gabay murtiyeed leh. Wuxuu geeriyooday sanadkii 1920kii.Aadan-Gurey markii uu duqoobay, isagoo, markaas xasuusanaya sidii uu beri ahaan jiray. Wuxuu yiri:Toddobaatan iyo toban miyaan, tiriyey waageygaSidii wiil tarrada ceel marshoo oo timaha deebeeyeyTin madow miyaa laga deyey, aniga tuurkaygaMa tallaabadaan la cabsadoo, tiigsi lugo moodeyMa tukubey sida habar tu kale, tuugnimo ugu jeeddaBowdada miyaan tuujiyey iyo, adhaxda tiirkeedaTaf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer lehTartarada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeed ahBarkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiiseMa dhagtaan tagoogada gashaday, siddii aniga oo tuug ahWax martidu tamadisaa ninkay, toos u hoyataayeTulugiis miyaan la igu arag, tuludi waa geeleNaaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaaneTaf miyaanan rogi hayn siddii, cudurku ii taabayTorog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatayCol tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duulaaneGuuraha anays taagi jiray, idil tilmaanteedeHaddaan weerarkeedii tognay oon, toon kasoo didinayIba-toosan leeyeey haday, na hor tislaynaysayTog biyo leh haddaan keenay oon, koron ku taysaynaySidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayeyAllahayoow tahliishii janaan, adiga kaa tuugay

No comments: