Saturday, December 27, 2008

Xoogagga Ahlusunnah Waljamaacah oo Hareereeyay Al-shabaabka Guriceel si Looga Badbaadiyo Burburinta Mowlacyada Waxbarashada Cilmiga iyo Qubuuraha Musl




Ciidan baaxaddiisu wayntahay oo ka soo ruqaansaday Balli-Howd oo isla Degaanka ka dhow ayaa saaka dulfadhiya magaalada degmada ah ee Guruceel. Wariyahannaga gobolka Galguduud, Sayid Cali "Ibn Casaakir" oo horay ugu sugnaa isla magaaladaas ayaa inoo xaqiiyay in walaac aad u badan uu soo food saaray Shabaabka iyagoo waliba maanta qorshaynayey inay qabuuraha muslimiinta qufaan. Wuxuu wariyuhu sheegay mar uu booqday aagagga jayshka mu'miniinta oo iyagu ku dagaalaya difaaca caqiidada Ahlusunna Waljamaaca, in ay ka go'antahay inay cadowga ka dulqaadaan dhulka muslimiinta iyaga oo ballan ka haysta Allah (subxaanahu watcacaalaa), macbuudka xaqa lagu caabudo oo xaq isaga dhigay inuu mu'miinta u gargaarayo. Warar kale oo madaxbannaan ayaa sheegaya in kooxda khawaarijtu aysan dagaallada noocaan ah oo kale u diyaar ahayn. Kooxdani waxay u xoog weynyihiin shacabka iyo degaannada aan hubaysneyn iyo suuqyada oo bumba lagu tuuru kadibna jaantaa rogan lakin taasi ayaad mooddaa inay hadda gabaabsi tahay.Waxaad nagala socotaan halkaan si aan idiinku soo gubinno wararkii ugu dambeeyay inshaa Allah.
Xafiiska Warar ee Ahlusunnah Waljamaaca




WAR DEG DEG AH... Jayshka Ahlusunnah oo Kaashanaya Shacabka reer Matabaan oo La Wareegay Degmadaas Saacado ka Hor

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Matabaan ayaa xaqiijinaya inay ammaanka ay sugayaan qaar ka mid ah Culumadii maanta la wareegtay Guriceel iyo shacabka oo isgarabsanaya. Magaalada ayaa deggan dadkuna way ismarxabbaynayaan. Waxay leeyhiin waa ilahay mahaddii haddii uu inaga dulqaaday kuwii aan lahayn diir naxa iyo dareen walaaltinimo midna. Dadka qaar ayaa ka cabanayay qabuuro eheladooda iyo kuwa muslimiin kale oo la qoday kadibna lafahoodii qashinka lagu daray. Waxaa muuqata neecow qabow iyo nasrigii ilaahay oo soo degdegay.Waxaan dib idiinka soo gudbindoonaa waraysiyo iyo muuqaallo aad ku diirsataan inshaa Allah.