Ciidan baaxaddiisu wayntahay oo ka soo ruqaansaday Balli-Howd oo isla Degaanka ka dhow ayaa saaka dulfadhiya magaalada degmada ah ee Guruceel. Wariyahannaga gobolka Galguduud, Sayid Cali "Ibn Casaakir" oo horay ugu sugnaa isla magaaladaas ayaa inoo xaqiiyay in walaac aad u badan uu soo food saaray Shabaabka iyagoo waliba maanta qorshaynayey inay qabuuraha muslimiinta qufaan. Wuxuu wariyuhu sheegay mar uu booqday aagagga jayshka mu'miniinta oo iyagu ku dagaalaya difaaca caqiidada Ahlusunna Waljamaaca, in ay ka go'antahay inay cadowga ka dulqaadaan dhulka muslimiinta iyaga oo ballan ka haysta Allah (subxaanahu watcacaalaa), macbuudka xaqa lagu caabudo oo xaq isaga dhigay inuu mu'miinta u gargaarayo. Warar kale oo madaxbannaan ayaa sheegaya in kooxda khawaarijtu aysan dagaallada noocaan ah oo kale u diyaar ahayn. Kooxdani waxay u xoog weynyihiin shacabka iyo degaannada aan hubaysneyn iyo suuqyada oo bumba lagu tuuru kadibna jaantaa rogan lakin taasi ayaad mooddaa inay hadda gabaabsi tahay.Waxaad nagala socotaan halkaan si aan idiinku soo gubinno wararkii ugu dambeeyay inshaa Allah.
Xafiiska Warar ee Ahlusunnah Waljamaaca
1 comment:
Salaan Qaliya Kadib , Saxib Dadaashaye Daa'im Ha kula jiro,
DardarGali howlahaagu Marna hak Dibdhinin Danahaagoo, Xaqqa Dugasho
Mahaadsanid Saxb , Site-kaga waa Fiicanyahay oo Runtii i Cajabiyay,
Allah ku dhowro!
Booqo:
www.altasawuf.co.cc
mohamud.
Post a Comment